Friday, June 27, 2025

DHAGEYSO Hanti- Dhowrka Guud: “Canshuurta laga qaadayo Guryaha Muqdisho waa xaaraan, waana in degdeg loo joojiyaa…”

Kulan uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka isla markaana ay ka soo qeyb galeen agaasimayaasha Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa looga hadlay sidii looga hortagi laha Musuqa ka jira dalka ee dhinaca Dhaqaalaha.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in lacagaha ee ay qaadayaan Maamulka Gobolka Banaadir, lagana qaado Guryaha ay tahay xaaraan aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana ay Maamulkaa Gobolka Banaadir u direen qoraal ay ku amrayaan in la joojiyo canshuurtaasi.

“Waa xaaraan meel ay adduunka ka jirtana ma jirto in Guryaha loo cabbiro  Dherer iyo Ballac, lacagna sidaa looga qaado” ayuu yiri Hanti dhowrka Guud ee Qaranka oo caddeeyay inay maamulka Gobolka Banaadir u direen qoraal ay ugu sheegeen in la joojiyo canshuurtaasi.

Hanti  Dhowrka ayaa sheegay in Boonada Xisaabiyaha guud oo kaliya ay tahay midda saxda ah ee lagu qaadi karo  canshuur, waxaana uu ka digay in degmo kasta ay yeelato Boono u gaar ah oo ay dadka lacag uga qaadato.

DHAGEYSO CODKA


 

Akhri qormooyinkii Goobjooge.com ka qortay Canshuurta Guryaha Muqdisho

KASHIFAAD: Shirkad gaara oo canshuur qaadis ka wada Guryaha Muqdisho & fadeexad ka jirta khidmada la qaadayo 

KASHIFAAD: Sidee loo qeybsaday lacagta canshuurta ee laga qaadayo Guryaha Muqdisho

Waxaa nasiib darro in canshuurta laga qaadayo Guryaha Muqdisho ay socotay muddo ku dhow saddex bilood oo inta badan dadka laga qaaday lacagta, waxayna arrintan u muuqataa in Hanti dhowrka guud la soo dib dhacay arrintan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON