Iyadoo magaalada Jowhar ay ku sugan yihiin inta badan odayaasha dhaqanka beelaha gobolka Hiiraan kadib heshiiskii magaalada Beledweyne ku dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Duubabka dhaqanka Hiiraan ayaa waxaa magaalada laga dareemayaa inay maqan yihiin Odayaasha dhaqanka beelaha Shabeelaha Dhexe.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha dega Shabeelaha Dhexe siiba beelaha Wacdhuuban iyo Agoonyar ay si weyn u diidan yihiin qaabka madaxweynaha Soomaaliya u wado shirka Jowhar, isla markaana ay caqabad cusub ku noqon karaan shirka.
Inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh uu heysto taageerada Imaamka Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa haddana labadan beelood ee hoos taga labada Duub ayaa la sheegay inay hore uga baxeen shirka Jowhar, isla markaana shirar kala gaara ku yeesheen Degmada Balcad iyo magaalada Muqdisho iyagoo qaadacsan qorshaha madaxweynaha.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan ee arrimaha Bulshada Sheekh Xuseen Cusmaan oo shalay tegay magaalada Jowhar ayaa ka dhawaajiyay arrintan isagoo sheegay inay maqan yihiin odayaashii Shabeelaha Dhexe oo laga yaabo inay caqabad kale ku noqdaan shirka Jowhar.
Goobjooge.com