Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa maanta lagu soo bandhigay caruur la sheegay in laga soo xaday waalidkood.
Sida ay sheegeen taliska Booliska Gobolka Bari caruurta ahaa gaaraya saddex caruur ah oo isugu jira labo gabdhood, waxayna da’doodu dhaxeysaa 1 ilaa 3 sano jir.
Bandhigga caruurtan waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka Gobalka Bari, ku- xigeenka duqa degmada Boosaso, iyo masuuliyiin kale. Waxaa la sheegay in haweeney goobta ku sugan ay ilmahan geysay saldhigyada Boosaaso.
Booliska Booaaso ayaa hadda baafinaya waalidiinta caruutaasi inay lasoo xiriiraan, waxaana dadka laga codsaday ciddii garata caruurta inay waalidkooda gaarsiiso.
Gudoomiye ku xigeenka gobalka Bari Axmed Cali Cabdilaahi (Ciro) ayaa ugu baaqay shacabka Boosaso inay ka gacan siiyan sidii caruurtan walidiintood loogu heli lahaa
DAAWO SAWIRRO