Friday, June 27, 2025

Caruurtii Alshabaab ee Ciidamada dowladda ku soo qabteen Howlgalkii Sh/Dhexe o ku dayacan Xarunta Xalane

Caruur ay ciidamada dowladda kusoo furteen howlgal todobaadkii hore ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe ayaa la sheegay inay dayacan yihiin oo xaalad liidata.

Kadib hawlgalkii 19-kii Bishan ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Jiliyaale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa waxaa lagu soo furtay hawlgalkaasi caruur dowladda ay sheegtay in Shabaab ay tababarayeen.

Caruurtaasi qaarkood ayaa hadda waxaa lagu haayaa Xerada Ciidamada Amisom ee Xalane, waxaana lagu soo waramayaa daryeel la’aan dhanka caafimaadka ah inay haysato caruurtaasi.

Caruurta qaarkood ayaa hawlgalkii dhacay wuxuu maskaxdooda ku reebay saameyn, qaarkoodna jirkooda waxaa ka muuqda dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray intii hawlgalka uu socday.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Muqdisho oo soo arkay xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtaasi ayaa waxa ay sheegeen inay u baahan yihiin gurmad. Waxa ay sheegeen dowladda Somaliya inay iska ilowday xaaladda caruurtaasi iyo ka warqabkooda.

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay caruurtaan oo tiradooda 30 ah in laga soo badbaadiyay Shabaab, xilli Shabaab ay doonayeen inay tababaraan oo ay dagaal galiyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON