Thursday, June 26, 2025

Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo laga furay Muqdisho[Sawirro]

Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho.

Carwada waxaa kasoo qeyb galay sida shirkadaha isgaarsiinta, internet-ka, shirkadaha sameeya website-yada iyo barnaamijyada internet-ka, fikradaha cusub ee dhinaca Teknoolojiyada, jaamacadaha bixiya aqoonta ICT iyo hay’adaha dawladeed ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada.

Dhinacyada Carwada ka qeyb galaya ayaa gaaraya in ka badan 60 shirkad, jaamacad iyo hay’ado dawladeed, waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay iibiyaan, waxayna fursad u helayaan sidii ay isku baran lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen.

Carawada ayaa furnaan doonta 16 ilaa 17-ka Oktoobar, waxay dadweynuhu sidoo kale ka qeybgali karaan aqoon-isweydaarsiyo, iyadoo sidoo kale lagu guuleysanyo deeqo waxbarasho iyo agab kale sida laptop, talefoonnada gacanta, internet modems, iwm.

Ras’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Md Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo carwada si rasmi ah u furay ayaa sheegay in isgaarsiinta iyo teknolojiyadu gaareen meel aanay cidina ka maarmi oo nolosheena ka mid ah, wuxuu intaas ku daray in carwadan ay soo bandhigi doonto wajiga kale ee Soomaaliya ay leedahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON