Dad badan ayaa is weydiinaya waxa ka khaldan heshiiska qaabka doorashada 2016 oo dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ay isla qaateen, kadib markii laga waayay wax tiro ah oo loo aqalka sare ee baarlamaanka looga qoondeeyay Gobolka Banaadir oo ah caasimadda dalka.
Warar aanu ka helnay mid ka mida madaxda maamulada dalka ee si weyn ugu dooday maqaamka Muqdisho ayaa Goobjooge.com u sheegay in tixgelin la siinayo Gobolka Banaadir, waxayna madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku ceebeysan yihiin inay ogaal iyo ogaal darro midkuu doonaba ay caasimadii umadda iyo Gobolka Banaadir waxba uga qoondeyn waayeen, kana maqnaado AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA.
Arrintan waxay muujineysaa sida heshiiska la gaaray u yahay mid an dheeli tirneyn oo mar waliba u baahan doono in tiro kale lagu kordhiyo, taasoo keeni karta khilaafaad kale, waxayna dadka Muqdisho iyo umadda degan Gobolka Banaadir uga fadhiyaan Madaxweynaha Iyo Ra’iisal wasaaraha caddeyn buuxda oo ku saabsan gobolka Banadir iyo aqalka sare ee Baarlamaanka dalka.
Goobjooge.com