Monday, June 23, 2025

XOG: Ceydiid Ilkaxanaf oo ogolaaday xilka ka qaadistii & Heshiis hoose oo dhacay

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ayaa ogolaaday inuu xilka isaga tago kadib kulan gaara oo dhex maray isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulanka oo xalay oo dhan socday ayaa ujeedkiisu ahaa in Ceydiid Ilkanaxaf la ogoleysiiyo xilka ka qaadista iyadoo ay ka soo shaqeeyeen wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda beeshiisa, waxayna xogta laga helay kulankaasi sheegeystaa in Ceydiid la siiyay lacag raali gelin ah.

Lama sheegin cadadka lacagta la siiyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, laakiin dad ku dhow ayaa sheegaya inay jireen deymo badan oo lagu lahaa guddoomiyaha  xilka banneeyay iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh ogolaaday inuu bixiyo Rubuc Milyan Doolar.

Xalay xilli saqdii dhexe ayaa Ceydiid Ilkanaxaf oo ay barbar taagan yihiin Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirada beesha Isaaq ugu jira xukuumadda ugu dhawaaqay inuu aqbalay xil ka qaadist lagu sameeyay.

Ceydiid ayaa sheegay inuu yahay nin weyn oo shaqo badan soo qabtay, siina wadi doono u shaqeynta dalka, isagoo sheegay inuusan jecleyn inuu dhex galo xiisad dastuuri ah, haddana uu aqbalay inuu xilka wareejiyo, wuxuuse sheegay in xil ka qaadistiisa ay ahay sharci darro oo aanu xalaaleyn doonin wax xaaraan ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON