Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa shalay ku dhawaaqay in shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe uu ka furmi doono sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Shirka ayuu sheegay inay kala soo hadleen madaxda dowladda Federaalka oo ay u tageen ilaa magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, wuxuuna intaas ku daray gogosha shirka ay noqon doonto magaalada B/weyne, isla markaana ay ku soo guuleysteen in magaaladooda ay yeelato marti gelinta shirka.

Wuxuu ka dalbaday dadka reer Beledweyne inay soo dhoweeyaan marti kumanaan qof ah oo magaalada imaan doonta, isla markaana ay guryahooda uga baxaan dadkaasi isuna xil qaamaan sidii ay martida u soo dhoweyn lahaayeen. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha uu ka ogolaaday in shirka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe loogu sameynayo maamulka uu ka dhaco magaalada B/weyne, isaguna uu imaan doono oo shirka ka furi doono.
Xilliga uu shirka furmi doono ayuu C/fataax Xasan Afrax ku sheegay inuu yahay maalmo gudahood inkastoo aanu caddeyn waqtiga, haddana waxaa muuqata in arrinta labada gobol ee hartay ay bilaaban doonto maamul u sameyntooda. Dhinaca kale waxaa gobolka Hiiraan ka jirtay qorshe ay wadeen siyaasiyiin ka horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsan in Hiiraan ay keligeed maamul noqoto.
Ma jirto war ka soo baxay siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Sh/dhexe oo mar hore iyaguna waday qorshe ay magaalada Jowhar ku fidinayaan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo SH/dhexe.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]