Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhaawac soo gaarsiiyay weriye ka trisan Idaacada Codka Ciidamada ee Muqdisho kadib markii Gaari ay wateen ciidamada AMISOM uu weriyahani ku jiray iridka Madaxtooyada.
Wariyaha dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Maxamed Ibraahin (Gacan) , waxayna wararku sheegayaan in isagoo maraya iridka hore ee Madaxtooyada uu dhaawacani gaarsiiyay gaari ay AMISOM leeyhiin, waxaana dhaawaca weriyaha la geeyay isbitaalka Daaru-Shifa ee Magaalada Muqdisho. Dhaawac gaaray ayaa u badan lug la filayo inuu jab soo gaaray.
Gaadiidka Milateriga AMISOM ayaa had iyo jeer shilal noocan ah ka geysta magaalada Muqdisho, waxayna ku caan baxeen inay isaga cararaan oo aanay dib loogu raacan qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ay geystaan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]