Ciidamada AMISOM ayaa caawa rasaas ku furay wadadda Maka Almukarama xilli ay kolonyadooda mareysay jidkaasi, waxaana falkaasi ka dhashay qasaare dhaawac ah.
Rasaast ay fureen ciidamada AMISOM ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo shacab ah, kuwaasoo saarnaa Mooto Bajaaj ah oo midkood uu ahaa darawalka Mootada.
Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho, waxaana dhaawaca labada qof la dhigay Isbitaalka Madiina.
Ciidamada AMISOM ayaa falal noocan ah ku lug yeesha iyadoo falal shil ah iyo kuwo ula kac ah oo rasaas loo adeegsado ku dila muwaadiniinta Soomaaliyeed.
WAR CUSUB
Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banadir ayaa sheegay in rasaastii xalay ka dhacday agagaarka Hotel Weheliye aysan ridin ciidamada AMISOM. wuxuuna intaas ku daray markii ay baaritaan sameeyeen in ay noqotay xabbad ka fakatay mid ka mida ilaalada Hotel Weheliye, arrintaasina laga daba tegay.
Goobjooge.com