Sunday, July 13, 2025

Ciidamada AMISOM oo Dad shacab ah ku dilay degmada Balcad, kadibna fal kale ku dhaqaaqay

Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa saakay laba ruux ku dilay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay sheegeen dadka degaanka Gaari ka tirsan kolonyada ciidamada AMISOM uu jiiray laba ruux o watay Gaari Dameer, kuwaasoo ku sii jeeday degmada Balcad, waxaana dhacday in ay iidamada AMISOM fal kale ku dhaqaaqeen iyagoo goobta uga tegay dadkii ay jiiraan ee ay ku dileen halkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa meydka labada qof ee ay dileen Ciidamada AMISOM ka qaaday goobta, mana jirto weli wax war ah oo ka soo saareen masuuliyiinta Degmada Balcad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON