Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu eedeeyay inay fal dil ah oo fool xun ka geysteen degmada Baraawe.
Dadka degmada Baraawe ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay gelinkii danbe ee shalay ay Degaanka Wareermale ee Baraawe ku dileen labo wiil ah, kuwaasoo ahaa QOwsaaro Geel la joogay.
Ciidamada AMISOM ee falka geystay ayaa ku sii jeeday Baraawe, waxaana la sheegay inay ka shakiyeen sidaasina ay ku toogteen.
Labada wiil ee ciidamada AMISOM ay dileen ayaa magacyadooda lagu sheegay lagu sheegay C/raxmaan Xasan oo 17 Sano jir ah iyo Cabdi Xasan oo 15 jir ahaa, waxayna ehelka wiilasha la dilay dalbadeen dowladda in arrintan wax laga qabto.
Ciidamada AMISOM ayaa dilalka ugu badan ee dadka shacabka ah ka geysta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ugu dambeeyay gaari BL ah oo Qori Baasuuke ah ku dhufteen duleedka Qoryooley oo lagu dilay 6 ruux.
Goobjooge.com