Ciidamada AMISOM ee dhowaan la geeyay magaalada Cadaado ayaa la wareegay ammaanka magaalada Cadaado gaar ahaan xarumaha waaweyn.
Ciidamo AMISOM ayaa saldhigyo ka sameysteen Madaxtooyada Galmudug iyadoo la xiray wadooyinka taga xarunta madaxtooyada Galmudug.
Xaruntaasi ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan Doorashooyinka aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana socda diyaar garowga ciidamada AMISOM ay qeybo kala duwan oo magaalada Cadaado ay ka degayaan.
Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa hore saldhig uga sameystay Garoonka Diyaaradaha Magaalada cadaado, waxaana magaalada Cadaado dhowaan tegay boqolaal ciidamo oo ka socda Jabuuti iyo Burundi.
Goobjooge.com