Tuesday, April 16, 2024

Ciidamada Itoobiya ee Xudur oo Hub culus ku wareejiyay ciidamada Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay Hub culus iyo mid fudud ku wareejiyeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee gobolkaasi ku sugan.

Hubkan oo noociisa iyo tiradiisa aana la sheegin ayaa ilo ku sugan Xudur waxay sheegayaan inay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, Boobayaasha culus iyo rasaas.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool oo ay dhowaan gaareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulkaK/Galbeed  ayaa sheegay in hubkaasi ay ciidamada kula dagaalami doonaan Alshabaab.

Ad

Ciidamada Itoobiya ayaa isu diyaarinaya inay ka baxaan saldhigyada ay ku leeyihiin Gobolla Gedo iyo Bakool, waxayna ku qasbanaadeen inay hub siiyaan ciidamada degaanka kadib markii Alshabaab la wareegeen degaanadii ay hore uga baxeen.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON