Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta laga raray mid ka mida saldigyada ugu waaweyn ee Muqdisho.
Xarunta jaamacadda Gaheyr ee Muqdisho oo ciidamada AMISOM ay sanado fara badna deganaayeen, lagana difaaci jiray aagag badan ayay saakay ka ruuqaansadeen ciidamada AMISOM.
Ciidamadan oo ka socda dalka Burundi ayaa jaamacadaha degnaam muddo 10 sanadood ah, waxaana la sheegay inay bedeli doonaan ciidamo Soomaali ah oo u badan Boolis.
Dadka degaanka ayaa sheegay in la xiray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye arimo dhinaca ammaanka ah, iyadoo guuritaanka ciidamada uu socdo.
Waxaa jira warar sheegaya in Jaamacadda loo helay mashruux dib u dhis oo sanado badan la waday. Ciidamada AMISOM ayaa weli ku sugan Garoonka ciyaaraha ugu weyn ee magaalada Muqdisho Mogadishu Stadium oo marar badan laga codsaday inay ka baxaan si dib loogu dhiso.