Monday, July 14, 2025

Ciidamada AMISOM oo tallaabo sharaf-dhac ah kula kacay Wasiir Maryan Qaasim [Maxaa dhacay..?]

"Waxa ay ciidamada AMISOM igula kaceen maanta ma aha wax la aqbali karo.." Maryan Qaasim

Ciidamada AMISOM ayaa maanta fal xushmad darro ah kula kacay wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed.

Wasiirada ayaa la sheegay shir ku lahayd Garoonka, balse ciidamada AMISOM ay u diideen inay gasho gudaha Garoonka kana celiyay wasiirada iyo qof haweeney ah oo la socday barta Medina Gate, iyagoo ku dooday inaysan helin ogeysiin.

Wasiir Maryan Qaasim ayaa shir kula lahayd Garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo noqotay in ciidamada AMISOM ee ilaalada garoonka ay hor istaageen wasiirada iyadoo caddeymaheeda wadatay.

Maryan Qaasim

Farriin ay soo dhigtay barteeda waxay wasiirada ku caddeysay Wasiir Maryan Qaasim  inaan la aqbali karin falka ay kula kaceen ciidamada AMISOM oo aan loo heli karin wax cudurdaar ah, waxayna sheegtay in iyada iyo gabar la socotay ay falkaasi kula kaceen ciidamada AMISOM.

“We are working under difficult circumstances in Somalia but there is no excuse 4behaviour I saw today from condescending behaviour from AmisomSoldiers towards me & my female staff today at MIA Medina Gate is unacceptable”  Maryan Qasim

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON