Ciidamada Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay qabteen raggii la sheegay inay ka danbeeyeen dilka Sheekh caan ahaa kana mid ahaa ergadii dooratay xildhibaanada Baarlamaanka.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa lagu soo qabtay saddex nin oo lagu tuhunsan yahay inay dileen Sheekh Maxamed Deyr oo caan ka ahaa magaalada.
Qabashada raggaan ayaa waxaa suurageliyay mid ka mida oo ciidamada ay qabteen, kaasoo kadib sheegay labada nin ee kale, iyadoo labadii kale gacanta lagu soo dhigay.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay falal lagu khaarijiyay ergadii dooratay Baarlamaanka Federaalka oo magaalooyin badan lagu ugaarsado.
Goobjooge