Tuesday, July 8, 2025

Ciidamada Amniga Kenya oo qabtay Xubin tirsan Alshabaab-ka Kenya oo damacsanaa inuu galo Garoon ay..

Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Kenya ayaa xiray nin ka tirsan Alsahbaab oo hore uga baxsaday, isla markaana la raadinayey xilli doonayey inuu galo garoon ay ka dhaceyso xuska maalinta xornimada dalkasi ee Madaraka Day.

Booliska Kenya ayaa sheegay in Ninka oo lagu magacaabo lagu qabtay magaalada Narok oo qadar saacado ka hor inta aysan bilaaban dabaaldega xuska Maalintaan, waxaana uu markaasi doonayey inuu galo garoonka ay ka socoto xafladda xuska Madraka Day.

Aadan Galhai u dhashay Kenya ayaa qaatay diinta islaamka, wuxuuna ku biiray Alshabaab isagoo hore uga baxsaday ciidamada milateriga Kenya oo qabtay, wuxuumna muddo ku noolaa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo Soomaalida ay degan tahay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa ka qeyb galaya dabaaldegga munaasabada maalinta ay kenya xornimada ka qaadayay Ingariiska oo ku beegan 1-da bisha June 1963-dii ku hogaaminaya shacabka Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON