Taliska ciidamada Booliska magaalada Muiqdisho ayaa sheegay inay fashilyeen Qarax Gaarigiisa loogu xiray mas’uul aan magaciisa la sheegin, kaasoo la rabay in lagu qarxiyo.
Afhayeenka ciidamada Booliska Gaashaanle Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in Qaraxa laga hortegay o aanay jirin cid wax ku noqotay, isla markaana ay ka danbeeyeen kooxda Alshabaab.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba,” ayuu afhayeenka Booliska ku yiri Qoraal uu soo saaray.
Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka Qaraxayada loogu xiray gaarigiisa ee ka badbaaday uu ahaa Wasiir ku xigeenka cadaaladda Xukuumadda Federaalka.
Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta.
