Dhagax la sheegay inuu qaali yahay oo laga helay degaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan ayaa u gacan galay ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, iyadoo dhagaxaasi ay ku dagaalameen dadka degaanka iyo maleeshiyada Alshabaab.
Dhagaxan oo muddo dheer degaankaasi ku sameysnaay si dabiici ahna dadka degaankaasi u lahaan jireen ayaa la sheegay in muddooyinkii danbe baaritaan lagu sameeyay la ogaaday inuu yahay dhagax qiimo leh, kadibna Alshabaab ay wiishash halkaasi geeyeen oo ay soo rarteen.
Dadka degaanka Ceel Cali iyo Alshabaab ayaa ku dagaalamay dhagaxaasi, waxaana lagu dilay laba qof oo dadka degaanka ah, waxaana markii danbe ay Alshabaab ka iibiyeen ganacsato, iyadoo ugu danbeyn lagu qabtay Koontaroolka Siinka Dheer, ayna gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda.
Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo kasoo jeeda degaankaasi ayaa sheegay inu si dhow ula socday arrinta dhagaxaasi iyo hadba meeshii uu marayey, wuxuuna caddeeyay in dhagaxaasi baaritaankiisa loo qaaday dalka Uganda, ayna ganacsato Alshabaab uga iibsadeen lacag ka badan 260-kun oo Doolar.
Ma jirto cid faahfaahin ka bixisay dhagaxa iyo waxa uu yahay, iyadoo aanay jirin cid kale oo ka hadhashay arrintan. Xildhibaan Jeesow oo dhagaxan daba joogay in muddo ah sida uu sheegay ayaa dowladda ugu baaqay inay dhagaxaasi gacanta ku heyso ayna u cadaalad fasho dadka lagu waxyeeleyay.