Ciidamada Badda Iiraan ayaa qabsaday Markab laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kadib shil ciidamada ilaalada xeebaha Imaaraadka ku dileen laba qof laba kalluumeysato oo dalka Iran u dhashay.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Iiraan ayaa shaacisay in Markab ka diiwaan gashan Imaaraadka Carabta uu xadgudub ku sameeyay Badda Iran toddobaadkan, kadibna ay gacanta ku dhigeen ciidamada Badda ee Iiraan Isniintii.
Dhinaca kale isla maalintaas laba kaluumeysato oo u dhashay dalka Iiraan ayay toogasho ku dileen ciidamada ilaalada Badda ee dalka Imaaraadka Carabta, waxayna ka qaateen Doon ay wateen.
Imaaraadka ayaa ka xumaaday falkaasi waxayna qoraal ay u direen dowladda Iiraan ku sheegeen inay inay diyaar u yihiin magdhow ay bixiyaan.
