Dagaal qasaare geystay ayaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ku dhex maray ka wada tirsan maamulkaasi oo kala ah Boolis iyo Dawaariish.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay markii Ciidamo Boolis ah oo xirtay agagaarka Saldhiga Degmada Cadaado ay soo weerareen ciidamo daraawiish ah oo iyaguna Cadaado ku sugnaa.
Dagaalka ayaa dhaliyay qasaare laba askari oo dhaawac ah, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in askari lagu dilay dagaalka maanta ka dhacay Cadaado.
Taliyaha ciidamada Booliska Cadaado C/Nuur Macalim o ayaa sheegay in Weerar lagu soo qaaday ciidamadood oo laba askari laga dhawacay.
Xaalada magaalada Cadaado ayaa kacsan, iyadoo ciidamada qaarkood ay beel ahaan u dalbadeen looga baxo magaalada Cadaado, waxaana dhibaatadan ay salka ku heysaa mushaar la’aan iyo arrimo is biirsaday oo ku saabsan balanqaad uu hore u bixiyay madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo fuli waayay.
Goobjooge.com