Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Booliska oo Gacanta ku dhigay Koox u badan Haween oo ka Ganacsada Caruurta [11 Caruur oo la badbaadiyey]

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho lagu qabtay koox ka ganacsatada caruurta oo muddo ay ku daba jireen ciidamada Booliska.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somalia Jen. Zakiya Xuseen Ahmed ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen kooxdan oo ka koobneyd 11 qof oo 8 ka mida ay haween ahaayeen, iyadoo lasoo badbaadiyey 11 caruur ah oo da’doodu u dhaxeysay 12 ilaa 7 bilood jir.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween. Sidoo kale waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ahaa beec-sugeyaal oo hadda ay xanaaneenayaan ciidanka Booliska inta laga baadigoobayo waalidiintooda…” ayay qoraalkeeda ku tiri Taliye ku xigeenaka ciidamada Booliska Zakia Xuseen.

Waa kooxdii ugu khatarsaneyd ee isku xiran oo ciidamda Booliska Soomaaliya gacanta ku dhigaan muddooyinka, kuwaasoo ku howlan ka ganacsiga caruurta.

Image may contain: 11 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 7 people, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON