Warbaahinta Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa ku eedeysay Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Booliska ‘Haramcad’ inay xalay jirdil u geysteen weriyeyaal ka tirsan Warbaahintaasi.
Falka ayaa ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee degmada Hodan, iyadoo. saxafiyiintaasi oo kala ah C/naasir Cabdiraxmaan Maxamuud, Cabdikariin Ciise Cadaawe iyo Faadumo Cabduqaadir Xasan ay shaqo kasoo laabteen xilliga jirdilka lagula kacay.
Jidilka ayaa la sheegay inay saxafiyiinta u geysteen saddex askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda oo u gacan qaaday saddexda weriye, iyagoo aan weydiin aqoonsigiisa shaqo, iyadoo saxafiyiinta ay ka mid yihiin dadka aanu qabaneynin bandowga habeenkii lagu soo rogay magaalada Muqdisho.
Warbaahinta Shabelle ayaa sheegtay in ciidamadda dowladda federaalka ay maalmihii ugu danbeeyay kula kacayeen wariyeyaasha madaxa bannaan ee ka howlgala caasimadda.