Wednesday, July 9, 2025

Ciidamada Booliska oo Xildhibaannada ka hor istaagay inay galaan Xarunta Doorashada Afisyoone

Wararka laga helayo Xarunta Afisyoone ayaa sheegaya in askar ka mida ciidamada Booliska ay ku kaceen falal aan la filen, iyagoo xildhibaannada Golaha Shacabka u diidaya inay galaan Teendhada Afisyoone ee doorashada ka dhaceyso.

Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beenebeene ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Ciidamada Police-ka ayaa si fowda ah irdihii laga galayey Aden Cadde Airport ay gabi ahaanba diideen in xildhibaanadu tagaan teendhadii doorashada gudoonka golaha shacabka ka dhici lahayd.

“Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa khaatumadeedii kusii guda jirnaa. Insha Allaah sadaxda isbuuc ee soo socota hogaan kaan fowdada ah idim Alle dalka wuu kabaxayaa oo doorashada ayaa xalineysa. Hala dulqaato, halaysku sabro, maalmihii wacnaa, demoqaraadiyaddii iyo hogaankii dadka isku wadi jiray baa inoo bilaaban doona Insha Allaah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Beenebeene.

Ciidamada falkan ku kacaya ayaa la sheegay inay ka amar qaadanayaan taliyihii xilka shaqada laga joojiyey ee Booliska oo isna ku xiran Madaxweynaha xikiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xaaladda ayaan weli kala caddeyn iyadoo is-hortaagga qabsoomidda kulanka Doorashada maanta uu xowli ku socdo, kaasoo laga abaabulayo Madaxtooyada Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON