Qaar ka mida wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray saaka, iyadoo la dhigay ciidamada amniga oo u diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Wadooyinka xiran waxaa ka mida Isgoysyada muhiimka ah ee ku teedsan Wadada Maka Al-Mukarama, sida Banaadir, Soope, KM 4, iyo Dabka. Waxayna ciidamadu xireen wadooyinka soo gala jidka weyn ee Maka Almukrama.
Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale xiray wadadda tagt Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo loo diiday gaadiidka caadiga ah ee dadku wataan, iyadoo kaliya loo ogolaaday gadiidka ciidamada iyo kuwa madaxda.
Sababta loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay inay tahay xaflado loo sameynay kooxda Waaberi ee qaaday koobka K/cagta degmooyinka iyo munaasabad kale oo Wasaaradda Waxbarashada ku qabaneyso Xarunta Sahal ee agagaarka KM 4.