Ciidamada dowladda Qatar ayaa dhoolatus milateri la sameeyay dalalka Turkiga iyo Mareykanka isla hal maalin oo ahayd shalay 30-kii Janaayo 2019.
Ciidamada Cirka Marekanka iyo kuwa dowladda Qatar ayaa ciyaarsiiska milateri oo uu la socday tababar ku sameeyay sida Dallaayadaha looga boodo marka howlgalka uu jiro iyo sida diyaaradaha milateriga ee xamuulka looga dejiyo qalabka culus ee waaweyn, taasoo qeyb ka ah kordhinta tababarka ciidamada Qatar oo si weyn loo diyaarinaya kadib markii ay ku sigatay inay duullaan ku qabsadaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Dhinaca kale isla maalintaasi waxaa socday ciyaarsiis milateri oo ciidamada Badda Turkiga la sameeyeen Ciidamada ee dalka Qatar, iyadoo la ogyahay in Turkiga ay ciidamo ka badan 5000 askari ay ka joogaan dalkaasi.
CIIDAMADA CIRKA
CIIDAMADA BADDA