Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ay la wareegeen xarunta degmada Kuntuwaarey.
Weerar qorsheysan oo ay ciidamada Danab qaadeen saaka ayay kula wareegeen degmada Kuntuwaarey, waxaana halkaasi isaga baxay maleeshiyadii Alshabaab, lamana soo werin dagaal ka dhacay halkaasi. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in horjoogayaal ka tirsan Alshabab lagu qabtay halkaasi.
Ciidamada dowladda ayaa xabsiga Degmada kasii daayey Maxaabiis badan oo Alshabaab u xirnaa, waxaana degan xaaladda degmada, iyadoo ay ciidamada u gudbeen dhinaca degaanada ku dhow degmada.
Kuntuwaarey ayey muddo dheer gacanta ku hayeen Alshabaab, waxayna ahayd xarun maxkamad loo doonto iyo saldhig ciidan.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…