Friday, April 19, 2024

Madaxweynaha Turkiga oo ku hanjabay inuu xiriirka u jarayo dowladda Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in Turkigu ka fiirsanayo inuu xiriirka u jaro dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii uu heshiis buuxa la sameysatay Israa’iil.

Madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyey in Turkiga qaadayo tallaabooyin ka dhan ah Imaaraadka Carabta sida inuu joojiyo xiriirka diblomaasi ee labada dal ama inuu safiirkooda kala laabto dalka Imaaraadka.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha Mareykanka uu shaaciyey heshiis buuxa oo dhex maray madaxda dalalka Imaaraadka iyo Israa’iil oo xiriir caadi ah yeelan doona, markii ay heshiiska ku saxiixaan magaalada Washington.

Ad

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inuu muddo dheer ku howlahaa burburinta maamulka Falastiin iyo taageerada Yuhuudda, isla markaana ay qey ka tahay xasilooni darrada ka taagan dalal badan oo Gobolka ku yaalla.

Xiriirka Turkiga iyo Imaaraadka ayaa xumaaday markii Imaaraadku taageeray afgenbigii fashilmay ee Turkiga, waxayna Turkiga iyo Imaaraadka isaga horjeedaan dalalka Syria, Libya iyo Somalia.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON