Ciidamada Danab ee kumaandooska Soomaaliya ayaa dagaal qaraar la galay kooxda Alshabaab oo jidgooyo u dhigtay cutub ka mid ciidamadaasi oo galbinayay maxaabiis ka tirsan Alshabaab.
Weerarka ayaa ka dhacay saakay degaanka Alifow ee hoos yimaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. dagaal in ka badan Nus saac socday oo labada dhinac dhex maray ayay labada dhinac guulo ka kala sheegteen.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay laba Maxabuus oo horey ay gacanta ugu hayeen Ciidamada, kadib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan gacanta Ciidamada, xilligii uu dagaalka socday.
Labada Maxbuus ee ciidamada ay dileen ayaa kala ahaa Kalar Maadow Caliyow oo Al-shabaab u qaabilsanaa Sarkaalkii Qaraxyada Shabeellaha Hoose halka kan kalena uu ahaa C/laahi Xasan oo u qaabilsanaa La taliyaha Sarkaalka Al-shabaab ee Gobolka shabeellaha Hoose.
Alshabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay dagaalka ku qabsadeen 3 baabuurta dagaalka ah, kuna dileen askar, laakiin saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya ayaa beeniyay in ururka Al-shabaab ay la wareegeen Gadiid Dagaal oo ay Ciidamada lahaayeen.