Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa howgalkii ciidamada Kumaadooska Soomaaliya ay ka sameeyeen maanta iyadoo ay taageerayaan ciidamada AMISOM Mareykanka, howgalkaasi oo ka dhacay degaanda Bariirre iyo Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in howlgalka Bariire iyo Aw-dheegle ay ku soo furteen Maxaabiis u xirnaa kooxda Al-shabaab, iyadoo sidoo kale gacanta ku soo dhigay Xubno ka tirsan maleeshiyada Shabaab sida ay shaacisay SONNA.
Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya sheegay in Ciidanka Gaarka ah ee Danab ay Howlgal ka fuliyeen deganada Shabeelaha Hoose, islamarkaana ay soo furten Dad Xabsiyada ugu jiray Shabaab iyo Dagaalameyaal ka tirsan ururkaasi.
Lama sheegin tirada Maxaabiista Alshabaab laga soo badbaadiyey iyo Ragga ka tirsan Shaabab ee Nolosha lagu qabtay midna, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan dagaalka lagu qaaday Gobolka Shabeelaha Hoose.
Al-shabaab ayaa dhinaceeda shaacisay in Ddgaanka Bariire ay kula dagaalameen Ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa Dowladda Mareykanka ka socda, isla markaana ay dib u celiyeen markii ay qasaare gaarsiiyeen.
Goobjooge.com