Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Danab oo Qarxiyey Gaari siday waxyaabaha Qarxa iyo Faahfaahin laga helay (Sawirro)

Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa qarxiyey Gaari la sheegay inuu Qarax sida oo ku sugnaa degaanka Tooratoorow ee Gobolka Sh/hoose.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ciidamada Danab ay Saaka ka howlgaleen degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelada Hoose, ayna ka shakiyeen Gaari noociisu yahay NISSAN SURF, waxaana laga rasaaseeyay meel fog, taasoo keenay inuu ka dhasho qarax weyn.

Waxaa qaraxa ku dhintay qofkii waday Gaariga oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida uu warbaahinta ciidamada dowladda u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, waxaana la sheegay inay Ciidamada howlgal ka wadaan degaano ka tirsan Sh/Hoose.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo laga helay Gaariga qaraxa siday ee la sheegay inay qarxiyeen ciidamada Kumaandooska dowladda Soomaaliya ee Danab.

May be an image of tree and nature
May be an image of outdoors
May be an image of sky

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON