Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada dowlada & AMISOM oo sheegay inay 48 saac ku qabsan doonaan Diinsoor iyo Baardheere

Ciidamada AMISOM ee ka kala socda Itoobiya iyo Kenya oo ay wehliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulada degaanada ayaa  diyaar garowgii ugu danbeeyay ku jira sidii ay kooxda Alshabaab ugala wareegi lahayeen laba degmo oo muhiim ah, kana kala tirsan gobolada Gedo iyo Bay taasoo qeyb ka ah howlgalka isku furka Jubbooyinka.

AMISOM_SNA

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay ku dhow yihiin degaanka Raama-caddey oo 40 km u jira degmada Diinsoor, iyadoo qeyb kale oo ciidamadaas ka mid ahna ay jiho kale ka kulaalayaan Diinsoor, iaygoo ku sugan degaanka Safar-nooleys oo 30 KM u jirta degmada Diinsoor.

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Kenya ka socda ayaa iyaguna jihooyin kala duwan ku sii sinqaya degmada Baardheere oo wararku sheegayaan inay 30 KM u jiraan, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in Alshabaab ay qorsheyneyso inay ka baxdo degmooyinka weerarku ku socdo iyadoo markii hore isu muujisay inay difaaci doonto, balse waxay miinooyin badan dhigeen wadooyinka soo gala Baardheere oo hakiyy socodkii ciidamada.

Dadweyne fara badan ayaa ka qaxay degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor oo noqday goobo cidlo ah oo haawanaya. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in 48 saac ee soo socda ay gacanta ku dhigi doonaan labada degmo ee muhiimka ah Baardheere iyo Diinsoor oo muddo dheer ay Alshabaab gacanta ku hayeen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON