Tuesday, July 1, 2025

Ciidamada dowladda, AMISOM & Liyu Police oo sheegtay in Alshabaab badan ku laayeen Bakool

Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo AMISOM howlgallo shalay gelinkii dambe  ka sameeyeen degaanno ka tirsan gobolka Bakool lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab, qaar kalena lagu dhaawacay.

front-shab

Degaanada howlgallada ka dhaceen waxaa ka mida  Ceel Malable iyo Ceel Boon oo u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Waajid , iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegteen inay  dileen ku dhowaad 25 ka tirsan Al-Shabaab. Abaanduulaha ciidanka milateriga gobolka Bakool Col. Cabdi Maxamed Dile  ayaa sheegay in howlgalkoodii shalay ay jab xoogan ugu geysteen maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah maleeshiyaadkii howlgalka ku dhaawacmay iyo saanad ay ka furteen.

Wuxuu sheegay inay dileen 25 Alshabaab ah, ayna qabteen qaar kale,  sidoo kalena ay la wareegeen gaadiid iyo hub isagoo intaas ku daray in dhinacooda aysan wax  qasaare ah ka soo gaarin. Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada sarkaalkani.

Dagaalada Gobolka Bakool ayaa la sheegay inay ka qeyb qaataan ciidamada Liyu Police loo yaqaan ee ka dhisan maamulka Soomaalida Itoobiya, ciidamadaasi oo lagu eedeeyay inay dhibaatooyin waaweyne iyo dilal ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON