Monday, June 23, 2025

Ciidamada dowladda ee magaalada Muqdisho oo heegan la geliyey iyo Wadooyin la xiray..

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, iyadoo tan iyo xalay ay socdeen dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemay caasimadda.

Dadweynaha Muqdisho ayaa saaka ka war helay iyadoo la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah oo la dhigay ciidamo, waxaana loo diiday Gaadiidka iyo isu socodka xaafadaha qaarkood.

Wadooyinka xiran ayaa waxa ka mida jidadka soo gala wadadda Makka Al-mukarama, Tarabuunka, Digfeer iyo Bakaaraha qeybo ka mida Boondheere, Shibis iyo degmooyinka dhaca waqooyiga

Ad

Arrintan ayaa ka dambeysan kadib markii xalay ay ciidamo ka tirsan Milateriga oo gadoodsan ay soo gaaareen duleedka Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka yimid Gobolka Sh/Dhexe, waxaana la sheegay inay ka horjeedan muddo kororsiga Farmaajo.

Dowladda ayaa ciidamo gaara dhigtay dhinaca Waqooyi ee magaalada, si looga hortago ciidamada ka yimid dhinaca Gobolka Sh/Dhexe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON