Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo ka baxay Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan & Alshabaab oo…

Xaalad cabsi ah ayaa ka jirta tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraanm kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen halkaasi, waxaana dadka degaankaasi ay cabsi weyn ka qabaan in Alshabaab ay dib ugu laabato degaankaasi.

shabab

Tuuladaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa hore fariisin ugu ahayd Alshbaaab, waxaana ciidamada ay ku laayeen dad shacab ah oo tacsi u socday oo ay ka dileen shan ruux.

Maleeshiyo Alshabaab ah oo wadata dhowr baabuurta dagaalka ah ayaa isla markiiba la wareegtay degaanka Halgan, iyadoo dadkii ku haray halkaasi ay ugu khudbad u akhriyeen una sheegeen qofkii la shaqeeya xabashida iyo gaalada dalka ku soo duushay inay dili doonaan. Waa fashilkii ugu horeeyay ee howlgalka gobolka Hiiraan soo wajaha iyadoo ciidamada AMISOM ay caado u tahay arrimahan oo kale.

Lama oga sababta ciidamada uga baxeen Halgan, laakiin odayaasha degaanka ayaa sheegaya inay ciidamadaasi duulaan ku qaadayaan dhulka howdka ah ee ka fog Halgan. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay gaareen tuuladaasi oo dadkii ka qaxeen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON