Saturday, December 4, 2021

Ciidamada Dowladda iyo Galmudug oo Alshabaab dib uga qabsaday Degaanka Bacaadweyn

Ciidamada dowladda iyo Kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta dib u qabsaday degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo Alshabaab dhowaan qabsadeen, markii ay muddo kooban ku sugnaayeen ciidamada Galmudug.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa isaga baxay degaanka Bacaadweyn iyo Tuulloooyinka ku dhow, iyadoo aan wax dagala ahi ka dhicin, waxaana halkaasi gaaray ciidamada qeybta 21-aad ee milateriga, kuwa Danab iyo ciidamada Galmudug oo ay hawada sare ka taageerayeen diyaarado.

Maamulka Galmudug iyo warbaahinta dowladda Federaalka ayaa faafiyey muuqaallada ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku sugan xarunta Degaanka Bacaadweyne oo xalay ay ka baxeen maleeshiyadii Alshabaab.

Ad

Maamulka Galmudug ayaa hore u beeniyey inay Alshabaab ka qabsadeen Bacaadweyn, laakiin maanta ayey shaaciyeen inay ciidamadooda gaareen halkaasi, taasoo caddeyn u ah in markii hore aysan gacan ugu jirin.

Shalay ayey ahayd markii gaari uu waday ruux is-miidaamiye ah uu beegsaday ciidamada Galmudug ee ku dhowaa Bacaadweyne, iyadoo qaraxaasi ay warar iska horjeeda ka bixiyeen Galmudug iyo Alshabaab.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

0FansLike
0FollowersFollow
5,909FollowersFollow
0FansLike
0FollowersFollow
5,909FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!