Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ka fuliyay degaano hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Col. Nuur Hassan Guutaale ayaa sheegay iney socdaan howlgalo lagu baacsanayo Kooxda Al-Shabaab, isagoona tilmaamay in Ciidamada Xoogga dalka si gaar ah howlgalka uga fuliyeen deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Wuxuu sheegay Guddoomiye Col. Nuur Hassan Guutaale inta uu howlgalka socday iney Ciidamada Dowladda Soomaaliya u suurta gashay iney gacanta Al-Shabaab ka soo badbaadiyaan saddax carruur ah, kuwaasoo ay Al-Shabaab doonayeen iney xag jireeyaan.
Carruurta la soo badbaadiyay oo gaarayay saddex carruur ayaa hadda waxaa gacanta ku haya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in dhaqan celin loo sameynayo.