Wararka laga helayo Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo howlgal amni oo ciidamada milateriga ku qaadeen xaafadaha magaalada.
Hawlgalka ayaa ka danbeyay dagaal culus oo xalay ay Al-shabaab ku qaadeen xaafadaha Magaalada Marko, iyadoo kasoo duulay dhinaca degaanka Jilib Marko ee duleedka magaalada.
Xaafadaha ciidamadu galeen waxaa ka mida: Kawaanka Malaayga, Ruusiya iyo Abasiibo, kuwaasoo lasheegay in Ciidamada Al-Shabaab ay gudaha u galeen xalay, kadibna ay ka baxeen.
Ciidamada ayaa beegsanaya guryaha iyo dhalinyarada oo lagu tuhunsan yahay in qaar ka mida ay la shaqeeyaan Alsahbaab, waxaana la xiray qaar ka mida oo baaritaan lagu hayo.