Ciidamada dowladda ayaa xiray wadadda Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo dhowr meelood la dhigay ciidamo u diidaya gaadiidka inay isticmaalaan wadaddaasi.
Arrintan ayaa timid kadib qaraxii lagu weerarray Shaqaalaha Turkiga ee dhisaya Wadadda Afgooye, waxaana xigay in Shirkadda Turkiga ee dhiseya Jidka ay shalay ka qaadatay halkaasi qalabkii waaweynaa ee dhismaha.
Gaadiidka fara badan ee adeegsada wadadda isku xira Muqdisho-Afgooye ayaa u leexday wadooyin qarda-jeex ah, iyadoo wararka qaar sheegayaan in jidka loo xirayo shaqaalaha Turkiga oo sheegay inaysan ku shaqeyn karin wado dadweynaha u furan oo gaadiidku marayo.
Alshabaab ay si toos ah bartilmaadeed uga dhigatay Shaqaalaha Turkiga ee ku howlan dhismaha Jidka Afgooye, waxayna sii xoohiyeen weerarrada is-miidaaminta ah ee ay ku qaadayaan, taasoo dhalisay qasaare soo gaaray Turkiga.