Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada dowladda oo ka baxay degaanadii ay ka qabsadeen Alshabaab ee Sh/Hoose

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saaka weerar kula wareegaydegaano ka tirsan gobolka  Shabeelada Hoose ayaa dib uga baxay.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ka qabsadeen degaanada Janaale iyo Mushaani, balse wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay ciidamada ay dib uga laabteen degaanadaasi.

Saaka ayay ahayd markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen fariisimada Alshabaab ay ku leeyihiin degaanka Janaale, waxayna labada dhinac is-weydaarsadeen hub culus.

Qasaaraha dagaalka saaka ayaa la sheegay inay ku dhinteen in kabadan 8 qof oo labada dhinac ah, waana markii labaad ciidamada dowladda iyo AMISOM ay dagaal ku qaadaan Alshabaab kadibna dib uga laabtaan Gobolka Shabeelada Hoose.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON