Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen saaka degaanka Goof-Gaduud Buurey, kadib weerar ay ku qaadeen.
Gof-gaduud ayaa waxaa muddo toddobaad ah gacanta ku hayey Alshabaab, markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda, kadib dagaal ka dhacay aagga Deynuunaay ee duleedka magaalada Baydhaba.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay isaga baxeen Goof-gaduud, markii ay ka war heleen ciidamada dowladda ee ku wajahan, waxaana halkaasi hadda ku sugan ciidamada dowladda ee qeybta 60-aad.
Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa kuwa K/Galbeed ay wadaan abaabul ay doonayaan inay idb ugu qabsadaan degaanka Daynuunay.
