Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Hdowladda ay laba qeybdood u kala qeybiyeen magaalada.
Wadooyin soo gala dhinaca ay u badan yihiin dhismayaasha iyo xarumaha dowladda ee ka bilowda Wadadda Maka Almukarama ayaa gebi ahaan la xiray iyadoo gaadiidka ciidamada oo kaliya oo ogol yahay inay markaan oo aysan isu socon karin dadweynaha.
Gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo kuwa gaarka loo leeyahay aya loo diiday inay isaga gudbaan labada dhinac ee magaalada, waxaana Isgoyska xiran ka mida Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Geed jaceyl iyo Aadan Cadde iyo kuwo kale, halkaasoo ay ka sameysteen busteejooyin ay baabuurta ku kala wareegayaan.
Wadooyinka jid-cadeyaasha ah ayaa horeba u xirnaa, iyadoo lagu jaray dhagxaan waaweyn xilligii uu taliyaha NISA ahaa Sanbaloolshe, waxaana xaaladda noqotay mid cakiran, iyadoo arrintan sabab looga dhigay sugidda ammaanka magaalada xilli lagu wado inuu berrito furmo kulankii Baarlamaanka kala qeybsan ee Soomaaliya oo xiisad weyni dul hoganeyso.
Horaantii bishan oo sidan oo kale loo kala xiray magaalada ayaa lagu micneeyay tallaabo looga hortegayo qaraxyo ka dhici lahaa magaalada, iyadoo markii danbe aan lagu guuleysan in la baajiyo qaraxyadaasi, marka laga reebo in dadka Muqdisho cadaadis hor leh la saaray.