Cidamada Booliska dowladda Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho si ay u dhaqan geliyaan Bandowga caasimadda lagu soo rogay, taasoo dhalisay bannaanbaxa dadweyne isugu soo baxeen.
Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Jubba, waxaana markii askari ka tirsan ciidamada Booliska rasaas ku furay dad la sheegay inay amarkiisa qaadan waayeen oo hor fadhiyey Hoygooda, taasoo keentay inuu wiil dhalinyarro ahaa ku dhinto, haweeney kalena ku dhaawacanto.
Dadweyne ka careysan falka ciidamada ku dileen wiilka dhalinyarada ahaa ayaa bannaanbax ka dhigay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ka dhashay qalalaase markii ay taagero ku gubeen wadooyinka, iyadoo ciidamada Booliska ay dib uga gurteen halkaasi.
Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Axmed Xasan ayaa sheegay in la xiray askarigii dilka ka geystay agagaarka Isgoyska Jubba, isagoo warbixin siiyay Guddiga ka hortagga Coronavirus ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Kheyre.