Monday, July 14, 2025

Ciidamada dowladda oo Rasaas ku kala eryay Bannaanbax ka bilowday Muqdisho & Wararkii…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay rasaas u adeegsadeen dad bannaanbax ka dhigayey magaalada Muqdisho oo la sheegay inay ahaayeen taageerayaashsa mucaaradka.

Dadkan ayaa isugu yimid fagaaraha Daljirka Dahsoon ka horjeedaan qorshaha Doorashada ee dowladda Soomaaliya iyo muddo kordhin loo sameeyo dowladda hadda jirta, laakiin wax yar kadib markii ay dadkaasi ku ururreen fagaaraha ayaa waxaa halkaasi tegay ciidamada dowladda oo rasaas ku kala ceyriyay, waxaana goobta laga kaxeystay qaar ka mida dadkii bannaanbaxa waday.

Ciidamo fara badan oo ay mid yihiin Booliska sida gaarka ah u tababarran ayaa la dhigay fagaaraha daljirka dahsoon ee degmada Boondheere iyo agagaarkiisa si looga hortago bannaanbaxa. waxaana gebi ahaan la xiray goobtaasi oo loo diiday saxafiyiinta iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Waxaa jiray warar hore u soo baxay oo sheegaya in taageerayaasha mucaaradka ay qabanqaabinayaan bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo xaaladda dalku ku sugan yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON