Friday, July 4, 2025

Ciidamada Dowladda oo Rasaas ku kala eryay banaanbaxa Ehelada Askartii ka dhintay Ciidamada Xoogga [Daawo]

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa rasaas ku kala eryay ehelada Askartii ka dhintay ciidamada Xoogga Dalka oo bannaanbax ka dhigayay wadooyinka gala Dekadda Muqdisho.

Bannaanbaxayaasha oo xuquuqdii askarta ka ciidamada xoogga dalka ka dhintay ayaa maalintii labaad isugu soo baxay dekadda magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku sugnaa taliyaha ciidamada xoogga dalka, iyadoo rasaas kor loogu riday, isla markaana uu goobtaasi uga dhaqaaqay.

Dhinaca kale toddobaadkii hore ayay madaxtooyada hortooda tageen bannaanbaxayaashan, waxaana si awood ah ku dhaafay kolonyo uu la socday madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna dadka cabanaya sheegeen in muddo lix bilood ah aan la siin xuquuqda askartii dhimatay, markii horena ay dhibaato ku qabeen, waxayna eedeyn u jeediyeen taliyaha ciidamada iyo madaxweyne Farmaajo.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON