Ciidamada milateriga ee Xoogga Dalka ayaa shaaciyey inay howlgal ay ka fuliyeen agagaarka degmada Kuntuwaarey ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo qorsheynayay in ay weeraro ku qaadaan fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeeladda Hoose.
Dhowaan ayaa howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen degmada Kuntuwaarey waxaa ay ku dileen saraakiil iyo dagaalamayaal Al-shabaab ka tirsan, sidoo kale waxaa ay siidaayeen dad shacab ah oo alshabaab maxaabiis ahaan ay u hayeen.
