Thursday, June 8, 2023

Ciidamada Dowladda oo xiray Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS

Ciidamada dowaldda Soomaaliya ayaa xiray Xoghayihii guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, Cabdalla Axmed Muumin oo safar ku jiray.

Xoghayaha ayaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli uu doonayey inuu dalka ka dhoofo, iyadoo ay kaxeysteen ciidamada NISA, lamana sheegin sababta loo xiray, waxa loo heysto iyo halka lagu xiray midna.

Muuqaal uu saaka ku baahiyay baraha bulshada uu ku sheegay Xoghaye Cabdalla Muumin in Xafiiska ururka ee Muqdisho ay xalay soo weerareen ciidamo ka tirsan hay’adda NISA.

Ad

Xariga Xoghayaha ayaa yimid kadib markii uu shalay shir jaraa’id qabtay, kana hor yimid go’aan kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo ku saabsanaa inaan la baahin karin wararka kooxda Alshabaab.

Cabdalla Muumin oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Saxafiyiinta ayaa sheegay inaysan xukuumadda ku qasbi karin weriyeyaasha madaxda bannaan wixii ay rabto, una yeerin karin, isagoo warka xukuumadda ku sheegay mid aan sharci ku fadhin oo loo adeegsan karo caburinta Saxaafadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!