Ciidamada dowladda Soomaaliya oo weerar ku qaaday magaalada Jannaale ee Gobolka Sh/hoose ayaa la sheegay inay gudaha u galeen, ayna la wareegeen magaaladaasi markii dagaal dhex maray maleeshiyada Alshabaab.
Wararka laga helayo Jannaale ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab uu dagaal ku dhex maray iyadoo Gaadiid ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa la sheegay inay qarxiyeen ciidamada dowladda, markii ay ka shakiyeen.
Ciidamada dowladda ayaa gacan ka helaya kuwa Mareykanka oo fadhigoodu yahay saldhigga Balidoogle, waxaana la sheegay inay qabsadeen magaalada Jannaale. Dadka degaanka ayaa sheegaya in rasaas xoog leh ay ka dhacday magaalada oo ciidamada dowladda lagu arkayo.
Taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka si buuxda ula wareegeen degaanka Jannaale, kadib markii ciidamada ay dhowr jiho ka galeen degaankaasi.
Jeneraal Cabdixamiid wuxuu intaas ku daray in hadda xaaladda degaankaasi ay tahay mid degan, waxaana Ciidanka Xoogga ay xaqiijiyeen gacan ku heynta ammaanka guud ee deegaanka Janaale.
Ciidamada kumaandooska iyo kuwa lugta ee milateriga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa weerar ku qaaday magaalada Jannaale oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen sanadkii 2015, xilligaas oo weerar culus ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga AMISOM, laguna dilay ciidamo Uganda ka socday oo ka badan 19 askari.