Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada dowladda Somalia oo lagu eedeeyay inay Gurigiisa Degmada Wanlaweyn ay ku dileen Nabadoon

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Oday nabadoon ahaa.

Dilka ayaa xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn, waxaana dilkaasi ka danbeeyay oo lagu eedeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee la howlgala Mareykanka, iyadoo nabadoonka la dilay lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi oo loo yiqiin Macallin Jeelle.

Dadka iyo eheladda nabadoonka ayaa sheegay in  Ciidamo watay Gaari Cabdi bile oo xirnaa dareyska ciidamada dowladda ay gurigiisa ku weerarreen  Nabaddoonka, iyagoo ku dhex dilay gurigiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dilka geystay ay ahaayeen Ciidamada gaarka ah ee mMareykanka tababaray oo fadhigoodu yahay saldhigga Ballidoogle oo loo yaqaan Bangarfta, inkastoo aan la xaqiijin.

Lama oga sababta loo dilay nabadoonka oo ay u beegsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee Mareykanka la shaqeeya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON